Pogba oo wacdaro lasoo laabtay

Paul Pogba soo laabashadiisa micno weyn ayay u sameesay kooxda Man United iyo cayaaryahan Lukaku oo abaarta ka baxay.

Pogba ayaa gool dhaliyay sidoo kalena gool caawiyay kulan Man United 4-1 guusha kaga qaadatay naadiga New Castle.

Zlatan Ibrahimovic oo lambarka 10-aad wato ayaa markii ugu horeesay xili cayaareedkan garoomada kasoo muuqday halka Lukaku abaartii goolasha EPL ku daba dheeratay uu soo idleeyay.

Dwight Gayle  ayaa xili hore New Castle hogaanka u dhiibay daqiiqadii 14-aad kana naxsaday taageerayaashii garoonka Old Trafford ku sugnaa wuxuuna noqday cayaaryahankii ugu horeeyay Old Trafford xili cayaareedkan gool ku dhaliyo kulanka ka tirsan EPL.

Inkastoo New Castle qaybaha hore cayaarta dadaal sameesay hadana marka qaybta hore gabo gabo ku dhaweyd ayay kooxda Man United maamulka cayaarta la wareegtay.

Anthony Martial ayaa cayaarta 1-1 ka dhigay daqiiqadii 37-aad asigoo madaxa la helay kubad uu Pogba dhanka midig kasoo karoosay.

Kulankaan waxaa lagu daray sedex daqiiqo waxaana daqiiqadii 46-aad 2-1 ka dhigay Chris Smalling oo madaxa si qurux badan ula helay kubad uu soo karoosay Ashley Young.

Naadiga New Castle ayaa fursad qaali ah iska lumisay cayaarta markii garsooraha seeriga yeerin rabay waxaana qaybta hore lagu kala nastay Man United oo 2-1 ku horkaceyso.

Qaybtii labaad cayaarta Man United ayaa lasoo baxday awood dheeraad ah waxaana cayaarta 3-1 ka dhigay Paul Pogba daqiiqadii 54-aad waxaana caawinaad goolkan ka geestay Rashford.

Lukaku ayaa abaarta goolasha ka baxay markii uu baas wacan ka helay Juan Mata wuxuuna cayaarta ka dhigay 4-1 daqiiqadii 70-aad.

Balse garoonka Old Trafford wuxuu siweyn isku badalay markii Zlatan Ibrahimovic badal lagu keenay daqiiqadii 77-aad wuxuuna badalay Anthony Martial.

Big Zlatan mudo dheer kadib ayuu kulan rasmi ah cayaaray xili cayaareedkan asigoo kasoo kabtay dhaawacii dhanka jilibka uu qabay wuxuuna sameeyay bandhig wacan mudadii koobneed ee uu garoonka ku jiray.

Man United ayaa 4-1 guusha kaga qaadatay New Castle waxayna United haatan fadhiyaan booska labaad kala sareyna Ingiriiska ayagoo leh 26-dhibcood 12-kulan ay cayaareen waxayna 8-dhibcood ka hooseeyaan kooxda Man City oo hogaanka kali ku ah.