Paul Pogba ayaa laga saaray kooxda Manchester United ee wajaheysa AZ Alkmaar kulanka khamiista ee Europa League.
United ayaa u safreysa Holland kulanka labaad ee group-yada tartanka Europa League.
Ole Gunnar Solskjaer ayaa isna ka hor tagi doona kooxdan isagoo ay ka maqan yihiin Pogba iyo kabtanka kooxda Ashley Young, oo sidoo kale looga soo tagay gurigiisa.
Tababaraha United ayaa dooratay 21 ciyaartoy, oo ay ku jiraan 10 kasoo qalin jabiyay akadeemiyada, safarka ay ku tagayaan Alkmaar iyagoo raadinaya inay sii adkeyaan guushii ugu horeysay oo ay ka gaaraan Astana.
Mason Greenwood, oo dhaliyay goolkaas, ayaa ku jira kooxda waxaana laga yaabaa inuu bedelo Marcus Rashford oo la dhibtoonayay dhaawac kulankii Isniintii
Diogo Dalot iyo Angel Gomes ayaa soo laabanaya ka dib dhaawac laakiin Aaron Wan-Bissaka, Luke Shaw, Anthony Martial, Phil Jones iyo Eric Bailly ayaa weli ka maqan liiska.
United waxaay ku dhibtooneysaa gurigeeda xilli ciyaareedkan iyadoo Solskjaer cadaadis xoogan saran yahay.



