Daafaca Real Madrid Nacho ayaa qarka u saaran inuu muddo dheer garoomada ka maqnaado ka dib dhaawac ka soo gaaray kulankii ay barbaro la galeen kooxdiisa Club Brugge.
Real ayaa xaqiijisay warkan ka dib markii xiddiga reer Spain lagu qasbay inuu kasoo baxo intii lagu guda jiray ciyaartii barbaro 2-2 ah ay kula galeen kooxdiisa naaadiga reer Belgium garoonka Bernabeu.
Nacho ayay aheyd inuu soo laabto ka dib markii uu dhaawac jilibka ah ka soo gaaray ciyaarta, iyadoo dhaawaciisa uu noqday mid uusan ugu soo laaban ciyaarta.
Bayaan ka soo baxay kooxda caafimaadka ee Real Madrid ayaa lagu sheegay in Nacho Fernández baadhitaanno lagu sameeyay waxaana dhaawaca uu kasoo gaaray jilibka midig.
Soo kabsashadiisa wali waa la sii qiimeyn doonaa. ‘
Real ayaa lagu qasbay inay ka soo kacdo labo gool oo looga hormaray si ay kaga badbaado guuldarro kasoo gaari laheyd kooxda Club Brugge.
Emmanuel Dennis ayaa labo gool u dhaliyay kooxda reer Belgium ka hor inta goolasha madrid soo celin Sergio Ramos iyo Casemiro.
Waa kuma labada saxiix oo ay Man Utd sameyn doonto suuqa January?
Manchester United ayaa isku diyaarineysa suuqa kala iibsiga jiilaalka, Daily Star ayaa daaha ka qaaday labo magac oo ay kooxda bartilmaamedsaneyso.
Midka hore waa qadka dhexe kaasoo ah xiddiga kooxda Newcastle United Sean Longstaff, oo 21 jir qadka dhexe ah kaasoo laga yaabo inuu ku kici karo 40 milyan ginni, iyo 23 jirka weerarka uga ciyaara kooxda Lyon Moussa Dembele, kaasoo lagu qiimeeyo 50 milyan ginni.
United waxay si ba’an u dooneysa qof ka ciyaari kara weerarka ka dib iibintii Romelu Lukaku Anthony Martial iyo Marcus Rashford.
Khadka dhexe waxay u baahan yihiin xididg karti dheeraad ah leh, Longstaff wuxuu umuuqdaa mid la dagaalami kara McTominay, Fred, Nemanja Matic iyo Andreas Pereira.