Gerard Pique oo difaaca uga dheela Barcelona ayaa sheegay in kooxdiisu ay bani’aadan tahay ka dib markii ay guushii la yaabka lahayd ee Horyaalka Yurub ay ku xaqiijiyeen guul darradii 2-1ka ahayd ee Deportivo La Coruna ka soo gaartay ka dib markii ay isku arkeen ciyaar ka tirsan Horyaalka Spain ee La Liga.
Barcelona ayaa 6-1 kaga badisay PSG Arbacadii, iyadoo isku darka natiijooyinka labadii kulanna ku gudubtay 6-5, si layaableh ayayna saddex gool ugu dhaliyeen toddobodii daqiiqo ee ciyaarta u dambaysay.
Pique ayaa intaas ku daray in guushii waynayd ee Arbacadii iyo raynrayntii ka dhalatay in ay culays ku keeni doonto haddiiba laga badiyo.
“Ma awoodno in aan u ciyaarno sidii aan rabnay” ayuu haddalka sii raaciyay.
Barcelona waa hadda kaalinta koobaad ee horyaalka kala wareegtay Real Madrid oo 2 iyo 1 kaga badisay Real Betis.



