Pedro Oo Ku Laabtay Barcelona

Xidiga garabka ee kooxdda Chelsea Pedro ayaa dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Barcelona isagoo booqday gurigiisii hore.

Weeraryahanka Spain ayaa u dhaqaaqay Chelsea 2015 kadib 7 sano oo uu ka tirsanaa kooxdda koowaad ee Barcelona.

29 jirkaan ayey ku adkaatay inuu wax ka qabto xaalada Chelsea xili ciyaareedkii hore iyo bilawga xili ciyaareedkan waxaana uu xaqiijiyay inuu la hadlay madaxweynaha Barcelona Maria Bartomeu oo ay ka wada hadleen suurta galnimada inuu dib ugu soo laaban karo kooxdda.

Pedro ayaa ka mid ah xulka Spain ee jooga Barcelona hallkaas oo ay ku qaadanaya tababar ka hor inta aaney wajihin Italy waana taas sababta u sahashay inuu booqdo Barca.

“Aad ayey farxad iigu aheyd inaan halkaan soo booqdo,si aan u arko dadkii aan ka tagay iyo kuwii yimid kadibtey,waxaan sidoo kale soo arkay sida ay wax u socdaan ayuu Pedro u sheegay website-ka Barcelona.

“Had iyo jeer waxaan u rajeynaya wanaag iyo iney fooqa sare ahaadaan.