Dowladda Itoobiya oo dadka ka xannibtay intarneedka

Dalka Itoobiya waxaa maanta gebi ahaanba la xannibay adeegga intarneedka, xilli ay sii kordhayaan dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda.

Ilaa iyo haatan la ma sheegin sababta dhabta ah ee intarneedka dalkaasi looga xannibay .

Dowladda Itoobiya ayaa mar sii horreysay hawlwadeenno ka tirsan mucaaradka oo dibadda ku nool ku eedeysay in ay baraha xiriirka bulshada ee Facebook iyo Twitter ku abaabulayaan dibadbaxyada ka dhacaya gudaha dalka.

Waa markii labaad oo intarneedka laga xannibayo dalkaasi muddo saddex bilood gudahood ah, iyadoo markii ugu horreysay dowladda ay tallaabadani oo kale ay qaaday bishii August ,xilligaasi oo dalka ay ka dhacayeen dibadbaxyo ballaaran.

Ugu yaraan 55 qof ayaa axaddii la soo dhaafay ku dhimatay isbuurasho ka dhacday xaflad diimeed ka dhacday gobolka xasaaradda ka taagan tahay ee Oromia, kaddib markii dadkii ka qayb galayay xafladdaasi ay billaabeen in ay dalbadaan madaxbannaani siyaasadeed.

Kooxaha mucaaradka ayaa ku eedeyay xoogagga amniga dalkaasi Itoobiya in ay rasaas ku fureen dadkii xafladdaasi ka qayb galayay, arrintaa oo kentay in dadku ay isbuurtaan.