Kubad sameeyaha Man United Paul Pogba ayaa ku sugan isbitaal aan magaciisa la sheegin si uu qaliin dhanka anqawga ah ugu maro, waxeyna kooxdiisa u rajeyneysaa inuu dhaqso soo kabto.
Xiddiga reer France wuxuu fasalkaan galay marxalado kala duwan, kaliya sideed ciyaarood ayuuna kasoo muuqday dhamaan tartamada oo dhan.
Wuxuu maqnaa muddo bil ah kadib markii uu saftay kulan ay 1-1 la galeen Arsenal dhamaadkii September, ka hor inta uusan soo laaban kulan ay Watford la ciyaareen ka hor fasaxa ciida masiixiga.
Pogba mar kale ayuu dhibaato wajahayaa, wuxuuna marayaa qaliin dhanka anqawga ah, isaga ayaa soo galiyay sawir instagram-ka sawir uu ku muujinayo inuu joogo isbitaalka, wuxuuna kusoo qoray “Hellow, ka hor qaliinka”
Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka dhawaajiyay in xiddigiisa dib ugu soo laaban doono marka uu dareemo inuu taam buuxa yahay, waxaana qaliinkiisa uu kusoo aadayaa xilli ay saaxiibadiis la ciyaari doonaan caawa kooxda Manchester City kulan ka tirsan Semi Final-ka Carabao Cup.