Halyeeyga kooxda Arsenal ahna khabiirka ciyaaraha ee u shaqeeya hillinka Sky Sports Paul Merson ayaa wuxuu ugu baaqay maamulka kooxda Manchester United in aysan lasoo saxiixan gooldhaliyaha reer Spain Alvaro Morata.
Paul Merson ayaa wuxuu aaminsan yahay in uusan weeraryahanka kooxda Real Madrid Alvaro Morata qaab ciyaareed ahaan ku habbooneyn kooxda Man United, wuxuuna soo jeediyey inuu qaab ciyaareed ahaan ku habboon yahay kooxda Chelsea.
Kooxda tababare Jose Mourinho oo raadineysa weeraryahan dhexe xagaagaan ayaa dalab 52.4 milyan oo ginni ah ka gudbisay 24 sanno jirkaan laakiin Los Blancos ayaa kasoo diiday dalabkaas horraantii Isbuucaan.
Khabiirka Sky Sports Merson ayaana wuxuu maamulka kooxda Man United ugu baaqay inay soo iibsadaan weeraryahanka kooxda Tottenham iyo xulka England Harry Kane. Waxaana lagu xusuustaa ninkaan inuu kasoo horjeeday qorshihii ay Man United qiimo lacageedka dhan 89ka milyan oo ginni kula qarash gareysay Paul Pogba xagaagii lasoo dhaafay.



