Oxford oo noqotay jaamacada ugu horaysa adduunka ee liiska jaamacadaha

Jaamacada Oxford ayaa markii ugu horreysay gashay kaalinta ugu horreysa ee jaamacadaha adduunka, sida lagu sheegay liiska Times Higher Education. Waa markii ugu horreysay oo jaamacad UK ay gasho kaalintaasi.

Oxford ayaa ka qaaday kaalinta koowaad California Institute of Technology, oo shantii sano ee la soo dhaafay haysatay kaalintaasi.

Laakiin, waxaa jira digniin in ka bixidda UK ee Midowga Yurub ay wax u dhimi doonto jaamacadaha UK iyo shaqada ay shaqaalaha ka hayaan dibadda.

Liiska Times Higher Education, ayaa lagu qiimeeyaa jaamacadaha adduunka iyadoo la eegayo daraasaadka ay sameeyaan, sida ay wax u dhigaan iyo sida ay u soo jiitaan ardayda iyo shaqaalaha ajnabiga ah.