Odion Ighalo ayaa lagu soo waramayaa inuu doortay maaliyada No 25 ee kooxda Manchester United ka dib markii la xaqiijiyay heshiis lix bilood oo amaah ah inuu ugu soo dhaqaaqay Old Trafford.
Laacibka reer Nigeria oo xerada Carrington gaaray subaxnimadii Isniinta wuxuu bilabay tababarka kooxda koowaad, waxaana 30-sano jirkan uu kusugnan doonaan United ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka.
Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa wuxuu ku faraxsan yahay inuu ka doorbido weeraryahankaan dhowr ciyaartoy oo loo qiimeeyay bedelka Marcus Rashford.
Iyadoo ciyaaryahankii hore Watford uu si toos ah uga shaqeynayo tababarka, weeraryahanka ayaa laga yaabaa inuu safto kulankiisa ugu horeya ee Red Devils marka ay ku wajahayaan Chelsea Stamford Bridge ka dib fasaxa qaboobaha.
Haatan warbixin laga helayo All Nigeria Soccer ayaa sheegeysa in hadii Ighalo uu ka horyimaado kooxda Frank Lampard uu xiran doono maaliyada No 25, oo banaan tan iyo markii Antonio-Valancia ka dhaqaaqay Old Trafford.
Sida ku cad warbixintaan, Ighalo wuxuu qaadan doonaa lambarkaan isagoo ka racaya halyeeygii hore ee Ajax, Inter Milan iyo Arsenal Nwankwo Kanu, oo xirtay maaliyadaan markii uu kusugna kooxda Waqooyiga London ka dhisan ee Arsenal.
Ighalo ayaa xirtay maaliyada No 9 ee Shanghai, laakiin waxaa haatan u xiran Manchester Utd Anthony Martial.
Ighalo ayaa No 24 xirnaa intii uu ka ciyaarayay Premier League waayihiisii Watford. Si kastaba ha noqotee, Timothy Fosu-Mensah ayaa haatan xirtay lambarkaas oo ay hore usoo xirteen Nick Powell, Danny Simpson, David Jones, Quinton Fortune iyo Jordi Cruyff.