Odayaasha deegaanka Bura ee ismaamulka Garissa ee dalka Kenya ayaa ballan qaaday in ay si buuxda ula kaashanayaan dowladda dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab oo mararka weeraro ka fuliya gudaha dalkaas.
Odayaashaan oo ka hadlay kadib kulan gaar ah oo ay la qaateen saraakiisha laamaha ammaanka, qeybaha siyaasadda, Ugaasyada iyo odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in aysan fariisan doonin oo aysan daawan doonin sida ay Al-Shabaab weerarada uga geysanayaan Gudaha Kenya dad rayid ahna lagu dilayo.
Saalax oo kamid ahaa Odayaasha ayaa horay u sheegay in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab lagu guuleysan karo oo kaliya haddii dadka deegaanka ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, isagoo sheegay in haddii aan la cirib tirin ay ka dhigan tahay in gobolka uu sii socon doono dib u dhaca horumarka.
“Argagixisadu cidna uma naxariisto diin iyo qabiil midna malahan sidaas darteed bulshada Soomaaliyeed si isku mid ah ayay ugu dhibtoodaan marka ay ku kacaan falalkooda , natiijaduna waa in waxbarashada iyo caafimaadka iyo kuwa kale ay dhibaato soo gaarto,” ayuu yiri.
Guddoomiyaha Gaarisa Boaz Cherutich ayaa ku booriyay dadka deegaanka inay sii wadaan wada shaqeyn dhow oo ay la leeyihiin dowladda, iyagoo la wadaagaya macluumaadka ku saabsan Al-Shabaab.
“Waxaan rabnaa in aan xididdada ka siibno Al-Shabaab isku dayey in ay nabadda degaankan khalkhal geliyaan, sidaas darteed odayaashani waxay ogolaadeen in ay nala shaqeeyaan iyaga oo abuuraya wacyiga nabadda ee tuulooyinka,” ayuu yiri Cherutich.
Xildhibaan Faafi Saalax Yacquub ayaa sheegay in weeraradii ugu dambeeyay ay cabsi ku abuureen dadka deegaanka, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga hortago kooxaha weerarka geysanaya.
“Iskoolada iyo Isbitaalada qaar waa la xiray, mararka qaarna dadku ma isticmaali karaan wadooyinka cabsi darteed taasi oo nolosheeda ku adkeyneysa balse maanta waxaan ku heshiinay hal meel in la dhameystiro dadaalada ay wadaan Hay’adaha amniga, lagana wada shaqeeyo”ayuu yiri Yacquub.
Weerarkii ugu dambeysay ayaa dhacday 17-kii Janaayo markii kolonyo ay la socdeen shaqaalo oo ay galbinayeen ciidamo milateri ah la weeraray. Dadka gudaha ku jira ayaa sheegay in lix qof ay dhinteen, sidoo kale 11-kii Jannaayo, afar Injineer ah oo wadada marayay ayaa la dilay kadib markii gaarigii ay la socdeen lagu qarxiyay walxaha qarxa.



