Nuuro Faarax Jaamac ayaa kusoo baxay doorashada Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi ee ka socota Magaalada Muqdisho.
Nuuro waxaa ay heshay codad gaaraya 38 cod.
Ergada goobta ayaa joogtay ayaa waxaa ay dhamaayeen 45 .
Waxaa Nuura kursiga kula tartamaayay
Cumar Maxamed Aadan oo helay 7 cod
Caasho Axmed Cabdalaah oo heshay 0
Doorashada ayaa wali ka socota Muqdisho waxaana hadda la doortay Labo kursi , waxaana dhiman hal kursi.
Doorashada Aqalka Sare ee gobolka Waqooyi ayaa ku dhow gabagabo waxaana ka dhiman 2 kursi oo keliya.


