Doorashada Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi oo maanta dib uga bilaaabatay magaalada Muqdisho ayaa waxaa la doortay 3 kursi.
Labo ka mid ah kuraastaasi waxaa kusoo baxay haween.
Nuuro Faarax Jaamac waxaa ay heshay codad gaaraya 38 cod.
Waxaa Nuura kursiga kula tartamaayay
Cumar Maxamed Aadan oo helay 7 cod
Caasho Axmed Cabdalaah oo heshay 0.
Deeqo Xasan Xuseen ayaa ayaa ka mid noqotay Xildhibaanada Aqalka Sare ee ka imaanaya gobolada Waqooyi , waxaana ay heshay 24 cod.
Waxaa Deeqa kursiga kula tartamaayay
Hodan Abuukar Xasan oo heshay 21 cod
iyo Amran cilmi fariid oo aan waxba helin.
Waxaa Maanta sidoo kale doorashadii ka dhacay Muqdisho kusoo baxay Ayuub Ismaaciil Yuusuf.
Ayuub waxaa uu helay codad gaaraya 39 cod.
Waxaa Ayuub kursiga kula tartamaayay
Xuseen Ceelabe Faahiye
Axmed Cabdi faahiye
Waxaa uu nasiib u yeeshay in uu ku guuleysto kursiga Aqalka Sare ee gobolka Awdal umatali dowladda Soomaaliya.
Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo maalmaha soo socda waxaana ka dhiman oo keliya 2 kursi.


