Nuuca Dhaawaca Ee Gaaray, Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaan Karo & Faah-Faahin Laga Helay Musiibada Dhaawac Ee Kieran Tierney

Arsenal ayaa laga yaabaa iney muddo badan weyso adeegga daafacooda reer Scotland Kieran Tierney kaas oo dhaawac uu kasoo gaaray kulankii ay 3-1 kaga badiyeen West Ham kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

22-jirkaan heerka caalami ayaa kusoo bilowday kulankii ay kooxdiisa guusha kusoo gaartay London Stadium, waxaana la badalay qeybtii hore ee ciyaarta markii ay dhibaato garabka kasoo gaartay.

Waxaa la arkayay isagoo xilli dambe ka baxaya garoonka ay xalay martida ku ahaayeen isla markaana ka shakaalan gacanta, warbixin caafimaad oo ay soo saartay kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa lagu sheegay in garabka midig uu kala baxay.

Ma jiro wakhti rasmi ah oo loo qabtay inuu dhaawaca kaga soo kabanayo, balse waxaa la fahamsan yahay ineysan Gunners wali go’aansan hadii uu qaliin marayo, waxaa laga cabsi qabaa inuu garoomada ka maqnaado ilaa bisha Maarso.