NISA oo sheegtay in duqeyn lagu dilay Horjoogayaashii Qaraxyada iyo Maaliyadda gobollada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose.

Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska NISA ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ay howlgal duqeyn ah ku dilay Horjoogeyaashii Qaraxyada iyo Maaliyadda gobollada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose u qaabilsanaa Al-shabaab, kuwaasi oo lagu magacaabi jiray Farxaan Cusmaan Xasan oo loo yaqaano Jacfar Karuur iyo Madaxii maaliyada Axmed Gumaar.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa xalay howlgal duqeyn ah oo ay ka fuliyeen deegaanka Jambaluul ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxa ay ku dileen Horjooge Farxaan Cusman Xasan oo loo yaqaannay Jacfar Karuur, kaas oo ahaa Madaxa Qaraxyada Gobollada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose ee Khawaarijta iyo Horjooge Axmed Gumaar oo isna ahaa Madaxa Maaliyadda ee Gobolka Sh/Hoose.” Ayaa lagu yiri qoraalka

Sidoo kale qoraalka NISA ayaa waxaa intaasi lagu daray ‘’Howlgalkan oo ay Hay’adda NISA fulisay kadib markii ay hubisay xogta Horjoogeyaashan ayaa sidoo kale, waxaa lagu beegsaday Maleeshiyaadkii ilaalada u ahaa labada Horjooge iyada oo la xaqiijiyay dhimashada dhammaan xubnihii Khawaarijta ee la duqeeyay.”

Ugu dambeyntii warsaxaafadeedka ayaa lagu soo gabagabeeyay “Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xoojiyay howlgalka lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha Khawaarijta ah”.

Qoraalka Taliska NISA ayaa u qornaa sidan:-