Dagaal laga cabsi qabo inuu dhexmaro Eritrea iyo Itoobiya iyo maxaa ka socda xuduuda Labada dal?.

Waxaa isa soo taraya cabsi laga qabo inuu dagaal ka dhex qarxo dalalka Itoobiya iyo Eritrea, kadib diyaar garow ciidan oo laga dareemay ciidamada labada dal.

Xiisada Itoobiya iyo Eritrea ayaa waxaa barbar socda khilaafka u dhaxeeya laba garab ee ay u kala Jabeen Maamulka Tigreega ee TPLF. Waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inay xaalad dagaal ay mar kale ka taagan tahay Gobolka Tigray.

Digniintii ugu danbeysay ee dagaal xilli kasta ka dhex qarxi kara Itoobiya iyo Eritrea waxa yak timid Jeneraal Tsadkan Gebretensae oo hore u soo noqday Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Itoobiya, haddana ah Madaxweyne kuxigeenka iyo Xoghaynta Golaha Maamulka Kumeel Gaarka ah ee Tigray oo sheegay in labada dal uu dhex mari doono dagaal aan laga fursan doonin.

Wuxuu intaas ku daray un in colaada u dhexaysa Itoobiya iyo Eritrea ay u muuqato mid xaqiiqo ah,I yadoo diyaargarowgu uu gaaray heerkii ugu dambeeya, wuxuuna ka digay in Gobolka Tigray noqon doono goobta ugu weyn ee dagaalka labada dal.

“Xili kasta, dagaal u dhexeeya Itoobiya iyo Ereteriya wuu qarxi karaa” ayuu yiri Jeneraal Tsadkan oo faallo uu ku qoray wargeyska ‘The Africa Report’, wuxuuna saadaaliyay in dagaalka Itoobiya iyo Eritrea ku fidi doono fidi dalal kale, saameyn weyna ku yeelan doono Suudaan iyo Dalalka Badda Cas.

Waxaa si weyn hoos ugu dhacay xiriirkii Itoobiya iyo Eritrea wixii ka dambeeyay heshiiskii Pretoria ee laga gaaray colaadii Gobolka Tigrey.

Hore waxaa digniin tan la mida u soo saaray Madaxweynihii hore ee Itoobiya Mulatu Teshome oo isna faallo ku qoray Aljazeera English, kuna eedeeyay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki inuu ka faa’iidaysto kala qaybsanaanta kooxda TPLF.

Madaxweynihii hore ee Itoobiya wuxuu kaloo qoraalkiisa ku sheegay in tallaabooyinka uu qaadayo Madaxweynaha Eritrea ay “dib u soo celin karaan dagaal ka dhaca waqooyiga Itoobiya” iyo burburka

Dagaalkii Tigrey ee 2022-2023 waxaa qeyb ka ahaa ciidamo Eritrean ah oo gacan siiyay ciidamada dowladda Itoobiya, xilligaas oo ay saaxiibo ahaayeen hoggaamiyeyaasha labada dal Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki.

Waxaa laga cabsi qabaa in garab ka mida kooxda Tigray inay la saftaan Eritrea, kuwaasoo hadda bilaabay dhaqdhaqaaq milateri oo saacadihii ugu danbeeyay ka socda caasimadda Tigrey ee Makalle.

 

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel ayaa beeniyay Wararka ku saabsan dagaalka la saadaalinayo inuu dhex maro Itoobiya iyo dalkiisa, isagoo ku tilmaamay baaq xamaasadeysan oo lagu abuurayo Xiisad dagaal.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea wuxuu ku baaqay inaan xasaradaha gudaha ee dalka Itoobiya loo soo rarrin dalkiisa; wuxuuna sheegay in dhammaan dhibaatooyinka ka jira Gobolka ay ka yimaadeen Itoobiya.

Ugu danbeyn waxaa muuqata in dagaal ka dhex qarxaa Itoobiya iyo Eritrea uu kasoo hormari doona dagaal kale oo dhex mara labada garab ee TPLF u qeybsantay, kuwaas oo ay kala taageerayaan dowladda Itoobiya iyo Eritrea.