Muqdisho-RisaalaFM- Taliska ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa wuxuu sheegay inuu gacanta ku dhigay nin ka tirsan Ururka Al Shabaab, kadib hawlgal gaar ah oo ka dhacay gobolka Banaadir.
NISA ayaa sheegtay hawlgalkan oo ahaa mid qorsheysan inuu dhacay 2 Bishaan, islamarkaana Ninkaan waqtiyo badan baadi goob iyo dabagal ay ciidamada ku hayeen.
Hawlgalkan ayaa inta uu socday waxaanan jirin cid wax ku noqotay, Ninka la soo qabtay ayaa waxa la geeyay mid ka mid ah xarumaha baarista ee ciidanka dowladda federaalka.
Qoraalka ka soo baxay NISA ayaa lagu yiri “Howlgal ciidanka nabadgalyadu ka fuliyay Muqdisho 2da Sabtembar 2018, ayaa lagu qabtay xubin AS ah oo maleegayay qaraxyo. Subaxii hore ee maalinkaa ayay AS ku gumaadeen shacab qarax ay la beegsadeen degmada Howl-wadaag”
Ninkaan la soo qabtay lama soo bandhigin sidoo kalena lama hayo magaciisa, balse Taliska NISA ayaa shaaciyay in la qabtay, hadana ay ku jiro gacanta dowladda.
Ciidamada ammaanka ayaa hawlgalo qorsheysan habeenada qaar ka sameeya degmooyin ka mid ah gobolka Banaadir.



