Tababare Ernesto Valverde ayaa aaminsan in Barcelona ay dhalin kartay goolal ka badan kulankii ay xalay ku xasuuqdeen kooxda Huesca horyaalka La Liga.
Ernesto Valverde ayaa amaanay awoodda weerarka Barcelona oo ay hogaaminayaan lionel Messi iyo Luis Suarez.
Messi iyo Suarez ayaa labadoodaba goolal dhaliyey, halka Ivan Rakitic, Ousmane Dembele iyo Jordi Alba sidoo kale shabaqa soo taabteen kulankii Barcelona 8-2 kaga badisay Camp Nou kooxda Huesca.
Barca ayaa hogaanka loo qabtay kaliya sadex daqiiqo markii ay soctay ciyaarta, laakiin wiilasha Valverde ayaa si deg deg ah usoo kabsaday.
“Wax badan ayay sameyeen weerarkeena, waxaan dhalinay sideed gool, si wacan ayaan u ciyaarnay, fursado badan ayaan abuurnay, waxay noo aheyd habeen wanaagsan, Huesca waa koox adag,” Valverde ayaa sidaasi saxaafadda u sheegay ciyaarta kadib.
“Waxa ay aheyd wax fiican sida uu u ciyaaray Juan Camilo Hernandez oo katirsanaa kooxda naga soo horjeeday, laakiin waxaan ku dadaalnay sidii aan goolal ku heli laheyn.



