Nin weerar ku qaaday safaarada Israel ee Turkiga ayaa la toogtay

Boliiska rabshadaha ayaa ilaalinaya safaarada Israel ee Ankara weerarka kadibImage copyrightREUTERS

Boliiska rabshadaha ayaa ilaalinaya safaarada Israel ee Ankara weerarka kadib

Nin wata mindi ayaa ciidamada ammaanka ee Turkiga ay ku dhaawaceen banaanka safaarada Israel ee Turkiga, ee magaalada Ankara.

Ma jiraan wax qasaaro ah oo soo gaaray shaqaalaha safaarada, ayay sheegeen saraakiisha Israel. Wararka gudaha waddanka ayaa sheegaya in shaqaalaha ay galeen meel ammaan ah markii weerarka uu bilaabmay.

Dhowr safaarad ayaa la xiray toddobaadkii hore kadib markii la helay warar in weeraro lagu qaadi rabo.

Turkiga ayaa waxaa ka dhacaya weeraro isdaba joog ah oo ay qaadayaan mintidiinta IS iyo Kurdiyiin.

Kooxaha ku xeel dheer bomka ayaa baaraya boorso laga shakiyay oo la dhigay safaarada Israel horteeda.