Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Agagaarka Isgoyska Jubba ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax khasaare geystay uu ka dhacay halkaasi.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Miino loogu xiray Gaari ay wateen Cidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugidda Soomaaliya.
Inta la xaqiijiyay 1 Askari ayaa ku dhintay Halka sidoo kalena mid kale uu ku dhaawacmay Qaraxan.
Ciidanka Amaanka ayaa waxa ay soo gaareen goobta uu ka dhacay Qaraxa, iyagoo halkaasi ka wada baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.


