Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha iyo KM4 maanta waxaa lagu dilay nin la sheegay in uu ka mid ahaa Ergadii ka qeyb gashay Doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ninka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay C/qaadir Cabdi waxaana dilay Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dilkan ayaa yimid kadib markii ay murmeen Askariga dilka geystay iyo Muwaadinka la dilay, waxaana la sheegay ninka la dilay in uu ka duuli rabay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Ciidanka Amaanka ayaa gacanta ku dhigay Askariga dilka geystay, waxaana loo waday mid ka mid ah xarumaha baarista ee Ciidanka Dowladda Federaalka, sida ay Risaala u sheegeen Dad goobjoogayaal ah.


