Bakool-RisaalaFM- Shacabkii dhowaan ka soo barakacay Degmada Tiyeeglow oo ku sugan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa xilligan waxaa heysata dhibaatooyin dhanka nolosha ah.
Waxa ay sheegeen in aysan heysan Hooy wanaagsan, Cunto ku filan, Caafimaad iyo waxyaabo kale, waxaana ay Dowladda Federaalka, Maamulka Koonfur Galbeed iyo Hay’adaha gar gaarka ay ka dalbadeen in gar gaar ay la soo gaaraan.
Gudoomiyaha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool Maxamed Macalin Axmed oo ka hadlay dhibaatada heysata dadkan ayaa waxa uu sheegay in muhiim ay tahay dadkan in lala soo gaaro gar gaar Bani’aadannimo.
Dhinaca kale Maxamed Macalin Axmed Gudoomiyaha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa waxa uu sheegay Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed dhowaan in ay bilaabi doonaan Howlgallo Shabaab looga saarayo wadada xiriirisa Degmooyinka Tiyeeglow iyo Xudur ee Gobolka Bakool.


