War ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in ninka lagu magacaabo Jamac Cabdi Maxamuud Ina Maryan Maxamed Cismaan, oo baxsad ahaa, lagu eedeeyay falal ka dhan ah sharciga iyo anshaxa, kuwaas oo ay ka mid yihiin kufsi, duubis iyo baahin muuqaal anshax xumo ah oo uu ku sameeyay gabdho Soomaaliyeed, kana dhacay magaalada Qardho.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in uu kaashanayo Booliiska Caalamiga ah ee Interpol, isla markaana shalay galab, 18-ka Oktoobar 2025, lagasoo dejiyay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, kadibna lagu wareejiyay xabsiga Qaybta Baarista Dambiyada Booliiska (CID), halkaas oo la sugayo tallaabooyinka sharciga ah ee uu wajaho eedaysanaha.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sidoo kale caddeeyay in eedaysanaha si dhakhso ah loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh, si cadaaladda loo marsiiyo, loona baaro dambigiisa si buuxda.
War-ka soo baxay xafiiska ayaa ku xusay in dhammaan hay’adaha dowladda Ruwanda iyo Booliiska Soomaaliya, gaar ahaan qaybta Interpol, kaalintii lixaad leh ay ka geysteen soo qabashada eedaysanaha ay tahay mid muujineysa iskaashiga caalamiga ah ee la dagaallanka dambiyada tacaddiga jinsiga.




