Barcelona ayaa sheegtay in Neymar Junior uusan ka qeyb qaadan doonin kulanka caawa kooxdiisa ay la yeelan doonto Real Madrid, waana kulanka ugu weyn El-Clasico.
Kabtankii hore qaranka Brazil ayaa la safray kooxda Barcelona ee xalay u duushay Madrid, balse nasiib xumo goor dhaw ayey shaacisay sida lagu qoray barta twitter-ka ee shabakadda Bleacher Report.
Bleacher Report – qeybteeda kubadda cagta waxey leedahay – Barcelona ayaa tiri neymar ma ciyaari doono fiidnimadaan kulanka El-Clasico ee aan la leenahay Barcelona.
Wali Barcelona warbixin rasmi ah sooma saarin, balse Bleacher Report oo ka mid ah warbaahinta ugu dhaqsada badan ayaa sheegtay iney Barcelona sidaas ku warantay.


