Baydhabo-RisaalaFM- Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, maanta waxaa lagu qabtay Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Koonfur Galbeed.
Doorashada maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu doortay Xildhibaan Macallin Cali Aadan Caddow iyo Xildhibaan Axmed Xaaji Axmed, kuwaas oo ka mid noqday Baarlamaanka cusub.
Labada Xildibaan ee maanta la doortay ayaa ka mid ahaa Barlamaanka waqtigiisa dhamaaday, kuwaas oo mar kale ku soo baxay Barlamaanka cusub.
Tirada ilaa iyo hadda loo doortay kuraasta Maamulka Koonfur Galbeed xubnaha u matalaya Golaha Shacabka ayaa gaaraya 29-mudane iyadoo tirade guud kuraasta Koonfur Galbeed ay tahay 69-kursi.


