Qoryooley-RisaalaFM- Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose fiidnimadii xalay waxaa lagu dilay mid ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee sida weyn looga garanayo halkaasi.
Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sheekh Ibraahim Kaba-cadde, waxaana dilkiisa ka dambeysay koox ku hubeysneyd Bastoolado.
Dableydii dilka geysatay ayaa Sheekh Ibraahim waxa ay ka toogteen qeybta sare ee jirkiisa, taasi oo sababtay in isla goobta uu ku geeryoodo.
Raggii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta, kahor inta aysan Ciidanka Booliska soo gaarin goobta uu dilka ka dhacay, sida ay sheegeen dadka degaanka.
Ciidamada Booliska oo ku baxay halkaasi, ayaanan ku guuleysan in ay gacanta ku soo dhigaan raggii ka dambeeyay dilka Sheekh Ibraahim.
Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Qoryooley Cali Maxamed Aadan (Cali Waal) ayaa Risaala u sheegay dilka Sheekh Ibraahim Kaba-cadde in ay ka dambeeyaan Al-Shabaab.


