Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in caawa halkaasi lagu dilay Nabadoon.
Nabadoon oo lagu magacaabi jiray Cabey Aadan Waalow, ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Hawlwadaag ee Galbeedka Magaalada Baledweyne.
Maamulka degmada Beledweyne ayaa ururka Al-Shabaab ku eedeeyay dilka Nabadoonka.
Magaalada Beledweyne ayaa horay waxaa loogu dilay nabadoono aad u farabadan.


