Dowladda Mareykanka ayaa Cabdulqaadir Muumin ku dartay liiska argagixisada ka dib markii ay sheegtay Waaxda arimaha dibada dowladda Mareykanka in Cabdulqaadir Muumin uu qatar ku yahay amniga dalka Mareykanka.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Cabdulqaadir Muumin uu Madax yahay Koox ka jirta Soomaaliya oo gacan saar la leh ururka Daacish.
Go’aanka maanta kasoo baxay Mareykanka ayaa sidoo kale ogeysiinaya dadweynaha Mareykanka iyo beesha caalamka in Cabdulqaadir Muumin uu si firfircoon ugu lug lee yahay ficillo argagixiso.
Cabdulqaadir Muumin ayaa la sheegay in uu Al-Shabaab u qori jiray dhalinyarada doonaysa in ay ku biirto ururkaasi.


