M/weyne Cali Guudlaawe oo baaq u diray Guddiga Doorashada Hirshabeelle

Jowhar-RisaalaFM- Ku simaha xilka Madaxweynaha Hirshabeelle ahna Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib safar shaqo oo uu ku joogay magaalada Muqdisho.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Jowhar waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Soo dhaweyn kadib ayuu warbaahinta la hadlay Madaxweyne ku xigeenka wuxuuna tilmaamay in si aad ah uu ugu faraxsan yahay Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo uu magacaabay Guddoomiye Sheekh Cusmaan Barre.

Ku simaha Madaxweynaha Hirshabeelle ahna Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Guddiga Doorashada ugu baaqay in aysan dib uga dhicin Doorashada waqtigii lagu balamay.

“Waxaan Baarlamaanka uga mahadcelinayaa Guddigii Doorashada ee ay sameeyeen, waxaan ka codsanayaa Guddiga in aysan dib uga dhicin Doorashada xilligii lagu balamay.” Ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Sida shalay ay sheegeen Guddiga Doorashada Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle 12-ka bisha September ee sanadkan ayaa lagu wadaa in ay dhacdo Doorashada Madaxweynaha, waxaana socda diyaar garow.