Kenya-RisaalaFM- Inta la xaqiijiyay Saddex qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday kadib markii gaarigii ay saarnaayeen ay miino kula qaraxday waddo ku dhow xuduudda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.
Warkan waxaa warbaahinta gudaha ee dalka Kenya u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan dowladda Kenya.
“Baabuur Toyota ah oo ay saarnaayeen dhowr qof ayaa dul maray miino dhulka lagu aasay, deegaanka Nyongoro, waxaa halkaasi ku geeryootay Saddex qof.” Ayuu yiri Gilbert Kitiyo oo ah madax degaanka Lamu, oo taleefoon kula hadlay wakaaladda wararka Reuters.
Ururka Al-Shabaab ayaa marar badan degaanka ka fulisay weeraro iyo qaraxyo, waxayna sheegeen inay sii wadi doonaan inta ay ciidamada Kenya ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya.
Qaraxan ayaa ah midkii Shanaad oo noociisa ah oo muddo Saddex bilood ah ka dhaca degaanka.


