MW Xasan Sheekh oo wada-hadallo la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wada-hadallo muhiim ah la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain, Ed Miliband, kuwaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan amniga, xaaladda bani’aadannimo iyo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga labada dal.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay xaaladda amni ee Soomaaliya iyo dadaallada dowladda Federaalka ay ugu jirto xasilinta dalka, la dagaallanka maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo xoojinta hay’adaha amniga, iyadoo sidoo kale la isla soo qaaday caqabadaha bani’aadannimo ee dalka ka jira iyo baahida loo qabo in la kordhiyo taageerada caalamiga ah.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha la xiriira isbeddelka cimilada, gaar ahaan sidii Soomaaliya ay ku heli lahayd maalgelin caalami ah oo wax looga qabanayo saameynta abaaraha, fatahaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhasha isbeddelka cimilada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu dowladda Britain uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay Soomaaliya ka siiso dhinacyada kala duwan, isagoo muujiyey muhiimadda ay leedahay sii wadista iskaashiga labada dal.

Britain ayaa ka mid ah dalalka taageera Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, gargaarka bani’aadannimo iyo dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada.

Kulankan ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay wajahaysa caqabado dhanka amniga iyo bani’aadannimada ah, isla markaana ay dowladda Federaalka raadineyso taageero caalami ah oo lagu xoojinayo dadaallada amni iyo horumarineed.