MW Xasan Sheekh oo Culimada ka hadlay dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka oo kulan kula qaatay qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed, isaga oo la wadaagay muhiimadda isku xirnaanta culimada, shacabka iyo dowladda oo laf-dhabar u ah qarannimada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey kaalintooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada, dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay doorka Culimada ku aaddan baraarujinta bulshada ee la dagaallanka Khawaarijta iyo afkaarta xagjirnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulankii afurka ahaa ka sheegay in culimadu ay yihiin tiir muhiim u ah dowladnimada iyo horumarka dalka, isagoo ku dhiirrigeliyey in ay sii xoojiyaan doorkooda hoggaamineed ee bulshada.

Wuxuu ka dalbaday inay dowladda ku garab istaagaan dadaallada ay ku xoojinayso nabadda iyo xoreynta dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa ka dhageystay culimada talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan xoojinta dowladnimada, la dagaallanka been abuurka argagixisada ee arrimaha diinta iyo horumarinta danta guud ee umadda Soomaaliyeed.

Waxaa Kulanka afurka sidoo kale goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo Wasiirka Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow.