Jose Mourinho ayaa amaanay xiddigaha Manchester United ku cusub xilli ciyaareedkaan kadib markii ay kooxdiisa burburisay West Ham.
Taageerayaashii Old Trafford ayaa ku qanacsanaa qaab ciyaareedka weeraryahankooda cusub ee Romelu Lukaku.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa shabaqa soo taabtay labo jeer kulankiisii ugu horeeyay horyaalka, iyadoo Anthony Martial iyo Paul Pogba goolal kale dhaliyeen.
Mourinho, oo 54 jir ah, ayaa yiri: “Ciyaartu waxay ku furantay 2-0 waxayna fursad u helnay inana si fiican u ciyaarno.
“Uma maleynayo in kulanka uu ahaa 4-0 dabcan waxaan dhalin karnay goolal badan ayuu hadalkiisa ku daray.
“Waan ku faraxsanahay, waxa ay aheyd qaab ciyaareed aad u fiican oo aan sameynay ayuu yiri Ronaldo.
“Waxaan u maleynayaa in ciyaartoyda cusub ee kooxda qaab ciyaareed wanagsan sameeyeen, qof walba wuxuu ogyahay awooda Lukaku ayuu hadalkiisa ku daray Mourinho.



