Kooxo Burcad Afrikan ah ayaa xalay waxaa ay siyaabo kale duwan Gudaha dalka Koonfur Afrika ugu dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ay ku weerareen Goobahooda Ganacsiga.
Muwaadinka 1aad oo lagu Magacaabi jiray Isaaq Shiinow Cali ayaa Burcadda waxaa ay ku weerareen Goobtiisa Ganacsi oo ku taal
duleedka Magaalada Queenstown ee gobolka Eastern Cape, waxaana la sheegay inay dilkanka dambeeyeen Saddex Nin oo hubeysnaa.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in raggii Burcadda ahaa ee dilka u geystay Muwaadinka Soomaaliyeed isla Goobta lagu dilay sida uu Waebaahinta u sheegay mid kamid ah Ganacsatada Soomaalida.
” Saddex Nin oo burcad ah markii ay dukaanka ugu galeen ayey hoos ka xirteen xili marxuum ganacsade Isaaq shiinow u dukaanka ka shaqeeynayay kaligiis wax Shaqaale ahne lama joogin isago fasaxay shaqaalaha maanta madaama ay axad aheyd, dadka degaanka oo ka warhelay inay Burcadda Gudaha dukaanka kujiraan ayaa ugu galay kuna dhex-dilay ayuu yiri” qof goobjoog ka ahaa dhacdada.
Dhinaca kale muwaadin kale oo Soomaaliyeed ayaa Kooxaha Burcadda ah waxaa ay ku dileen degaanka Khayelitsha oo ka tirsan Magaalada Cape town, kaas oo lagu Magacaabi jiray Ibraahim Cumar Caddow Gaabow, halka Burcadda ay dhaawaceen Nin la joogay oo u dhashay dalka Itoobiya.
Waa dilkii labaad oo muddo 48 saacadood Gudahood ah muwaadiniin Soomaali ah loogu geysto dalka Koonfur Afrika, waxaana habeen hore lagu dilay Tuulada Nyanga oo ka tirsan Magaalada Cape muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Mustaf Maxamed Farayare.



