Warbaahinta UK ayaa xaqiijisay in Magaalada London lagu toogtay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamed Xirsi oo ka mid ahaa Soomaalida mudada deganaa Magaaladaasi.
Maxamad markii la dilayay waxaa uu ku sugnaa Maqaayadda lagu Magacaabo Bethel Cafe, Finsbury Park.
Waxaa uu ahaa 40 jir leh Afar Caruur ah,islamarkaana xanaaneyn jiray Waalidkiisa oo da’ ah.
Ilaa hadda la soo xirin ciddii ku lug lahayd dilkiisa,waxaana Booliska London sheegayaan in ay billaabeen baaritaan.
Xilliga uu dilku dhacayay ayuu ku ciyaariyay ciyaarta Miiska ee (Snooker), waxaana la sheegay in ay iskhilaafeen dadkii u la cayaarayay.
Xirsi intii uu ciyaarayay ayaa dhowr jeer laga carqaladeeyay ciyaarta waxaana uu cabasho u gudbiyay maamulka Maqaayadda,waxaase ku xigtay in mar qura madaxa lagu dhuftay,markii la geeyay Isbitaalka ayuuna halkaas ku geeriyooday.



