Faahfaahin dagaal culus oo ka dhacay Sh/Dhexe

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saakay ciidamo dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ku dhexmaray degaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka Yimid ka dib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay jidka u galeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Labada dhinac waxaa soo gaaray Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Sida ay Risaala u xaqiijiyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda iyo Askar kale ayaa ku dhintay Weerarkaasi.

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Weerarkaasi ay ku dileen Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Maxamed Raage.

Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Shabeelaha Dhexe.