Muwaadin Soomaali ah oo la sheegay in uu geystay toogasho ka dhacday dalka Mareykanka

Shalay ayaa Nin hubeysan waxaa uu fal toogasho ah uu  ka geystay Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, toogashadaas oo lagu dilay Sarkaal katirsan Ciidanka Booliska Mareykanka, qof Shacab ah, iyadaoo isla qofkii falkaasi geystay isna la toogtay.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Shaqsiga weerarkaas fuliyay uu ahaa muwaadin Soomaali ah laguna magacaabi jiray Mustafa Ahmed Mohamed oo ay da’diisu tahay 35, sidoo kalena uu dhaawacay Afar qof oo kale.

Mustafa ayaa la sheegay in ay laamaha amniga gobolka Minnesota ay u raadinayeen dambiyo uu galay, balse weerarkaan cusub yy geystay, hayeeshee ugu dambeyn la dilay.

Booliska Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka weli faah faahin guud kama bixin weerarka Ninka Soomaaliga ah uu ka geystay Magaaladaas, hayeeshee la filayo in saacadaha soo socda ay faah faahiyaan.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa degan Soomaali  badan oo ka Shaqeysata, kuwaas oo mararka qaar weeraro geystay, halka qaarkood iyaga la dilo.