Hargeysa-RisaalaFM- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay jiraan masuuliyiin Muqdisho iyo Garowe joogta inay ku dhaaranayaan inay weeraraan degaanada Somaliland.
Wuxuu sheegay in nasiib daro iyo wax laga xumaado ay tahay in xilligan dagaalo hor leh la soo abaabulo, isaga oo intaas raaciyay in dagaal aanan loo baahneyn waqtigan.
Muuse Biixi ayaa sheegay ciidanka Somaliland in waqti walba ay heegan ugu jiraan sidii ay isaga difaaci lahaayeen cid kasta oo ku soo hungawda dhulka Somaliland, midaasina aysan gacmaha ka laaban doonin.
“Dagaal, khasaare iyo colaad intii hore ayaa Soomaali ugu filan, masuuliyiin Muqdisho iyo Garowe jooga ayaa ku dhaaranaya inay weerar ku soo qaadaan Somaliland, Soomaali in maanta ay isku dhimato Diin ahaan iyo dadnimo ahaan sax ma ahan, hadii weerar nalagu soo qaado waan iska difaaceynaa”. Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.
Wasiirka amniga Puntland ayaa maalmo kahor ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland, wuxuuna tilmaamay Puntland in aysan joogsan doonin ilaa ay ka soo celiso degaanada gacanteeda ka maqan.



