Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle kana mid ah Midowga Musharixiinta ayaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa uu kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud.
Kulanka oo kamid ahaa kulamada horudhaca u ah Shirka Madasha Wadaaga Machadka Heritage ayaa waxaa ay uga wada hadleen xaalada dalka, sida Arrimaha doorashooyinka iyo sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho la isla ogol yahay.
“Waxaa caawa hoygiisa ku booqday madaxweynihi hore ee Puntland hadane ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Abdirahman Mohamed Farole. Waxaan ka sheekaysannay marxaladda adag ee kala guurka ah ee uu dalka maraayo” ayuu yiri Daahir Geelle.
Waxaa uu intaasi kusii daray “Senator Farole waa oday Soomaaliyeed oo kamid ah dadka geed fadhiga dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna kaalin mug leh ka soo qaatay in uu dalka ka baxo marxaladda kala guurka”





