Ciidanka ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa shaaciyey in ay gacanta kusoo dhigeen 850 muhaajiriin ah kuwaasoo doonayey in ay si sharci daro ah ku galaan xeebaha dalka Talyaaniga.
Muhaajiriinta gacanta lagu soo dhigay ayaa la sheegaya in badankood ay kasoo kala jeedaan Dalalka Soomaaliya, Sudan iyo Eritrea.
Afhayeenka Ciidamada ilaalada Xeebaha wadanka Liibya ayaa warbaahinta u sheegay in dadka la soo qabtay badan kood ay kasoo jeedaan qaarada Afrika,islamrkaana ciidanka ammaanka xeebaha dalka Liibiya ay ku guuleysteen in ay soo qabtaan dadkaas oo sharci daro ku safraayey.
Afhayeenka ayaa intaas raaciyey in dadka la soo qabtay ay ku jiraan 11 qof oo dumar ah kuwaasoo uur leh ,sidoo kalena ay ku jiraan caruur aad u yar yar.
800,000 kun oo ruux ayaa la sheegay in ay ku sugan yihiin xeebaha dalka Liibiya,islamarkaana ay isku diyaarinayaan in ay u safraan dalalka Yurub,iyaga oo maraaya safar naxdin badan .
Waaxda Socdaalka Talyaaniga dalka ayaa warbaahinta la wadaagtay in ku dhawaad 30,000 kun oo ruux oo kasoo jeeda qaarada Afrika ay sanadkaan ka soo galeen dalka Talyaaniga xeebaha dalka Liibiya.
Maraakiibta Midowga Yurub ayaa heegan buuxa la geliyey ka dib markii dhawaan muhaajiriin farabadan ay badda ku dhinteen.
Inka badan 400 oo u badan dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa dhawaan ku geeriyooday dooni kula degtay xeebaha u dhaxeeya dalalka Talyaaniga iyo Masar.


