Mucaaradka oo si adag uga horyimid Dhul-boobka ka socda Dhulka Jaamacadda Ummadda.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed (MSS) ayaa si adag waxaa ay uga hadleen dhul-boobka ka socda xaruntii Kuliyadda Tababarka Abaanduulka Ciidanka ee Axmed Gurey, dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), gaar ahaan qeybaha Xaruntii Jiifka Ardayda iyo Kulliyadda Caafimaadka.

Madashu waxay ku tilmaantay arrintan mid lid ku ah dowladnimada, amniga, iyo mustaqbalka waxbarashada dalka, iyadoo sheegtay in ciidamada iyo tacliintu yihiin aasaaska dawladnimada.

Madasha ayaa waxay ku eedeysay dowladda inay dayacday masuuliyadda ka saaran ilaalinta hantida guud, islamarkaana ay ogolaatay in lagu xad-gudbo dhulkii shacabka iyo xarumihii tababarka iyo caafimaadka.

Sida ku cad qoraalka Madasha, dhul boobkan wuxuu si toos ah u khilaafsan yahay qodobada Dastuurka iyo Xeer Lr. 18 ee soo baxay 29-kii Janaayo 1976, kaas oo ilaalinaya hantida qaranka.

Madasha ayaa waxay sheegtay in falalkan ay dhaawacayaan kalsoonida shacabka iyo sharciyadda dowladnimada.

Madasha ayaa sidoo kale cambaareysay in ciidankii qaranka loo adeegsado barakicinta shacabka iyo boobka dhulka, taas oo ay ku tilmaantay “arrin aan marnaba la aqbali karin.”

Sidoo kale Madasha waxay digniin u dirtay Madaxda Dowladda iyo ganacsatada lugta ku leh boobka, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo, loona soo celiyo dhulka shacabka iyo xarumaha waxbarasho. Waxay ku hanjabeen in lagu xisaabtami doono ficillada boobka, xilli ay weli harsan yihiin bilo kooban oo xilka Madaxweynuhu ka dhiman yihiin.