Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee Israel ay duqeyn culus ka geysteen caasimadda Sanca.
Weerarada ayaa lagu beegsaday xarumo ay ka mid yihiin, Shirkadaha Korontada, Keydka Shidaalka, Xarumaha Warbaahinta kooxda Xuuthiyiinta iyo Goobo kale oo muhiim ah
Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymaha, hase yeeshee goob-joogayaal ayaa soo sheegay qaraxyo waaweyn iyo gubasho ballaaran oo ka dhacay gudaha magaalada.
Dhanka kale Qoraal ka soo baxay Xuutiyiinta waxaa lagu sheegay inay ku qasbeen diyaaradaha Israa’iil inay ka baxaan hawada Yemen, markii ay gantaallo kala hortageen, iyagoo ku sheegay inay fashiliyeen duullaankaa.



