Mourinho: Qof kasta Wuxuu Doonayaa In La Garaaco Manchester United

Manchester United ayaa ka mid ah kooxda ay doonayaan dhamaan naadiyada kujira tartanka Europa League xilli ciyaareedkan in ay garaacaan, sida uu sheegay tababare Jose Mourinho

United ayaa waxaa soo gaaray niyadjab kadib markii guuldaro 1-0 ay kala kulmeen kooxda Feyenoord furitaanka tartankaaan haveenkii xalay.

Ciyaartoyda cusub oo ay kamid ahaayeen Marcos Rojo, Matteo Darmian, Morgan Schneiderlin iyo Marcus Rashford ayaa la siiyey fursad ay ku ciyaaraan, laakiinaysan qancin macalin Mourinho.

Europa League, koox kasta oo kujira waxay isku dayi doontaa in ay na garaacdo” ayuu u sheegay BT Sport.

Si kastaba ha ahaatee, Mourinho ayaa diiday inuu ciyaartoydiisa ku dhaleeceeyo guuldarada, isagoo yiri: “Ma doonayo in qofna aan ku cacanto guuldarad.

“Waxaan dibu sixi doona jadwalkeena guulaha marka aan usafarno kooxda Watford axada ayuu hadalkiisa raaciyay macalin Mourinho.”