Mooto Bajaajle lagu toogtay Muqdisho

Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho ku toogtayĀ  wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada loo yaqaano Bajaajta.

Wiilka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Ismaaciil Maxamed Saciid, waxaana gacanta ku dhigay Askarigii dilka geystay Ciidanka Booliska degmada Cabdicasiis gaar ahaan Kontoroolka xeebta Liido.

Wiilka oo xabada ay kaga dhacday qeybaha sare ee jirkiisa ayaa isla goobta ku geeriyooday Sidda Idaacadda Risaala ee Muqdisho ay u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka oo goobta ku sugnaa.

Dadka degaanka ayaa inoo sheegay wiilka la dilay iyo askariga kahor inta uusan falka dhicin inuu dhexmaray muran, intaasi kadibna ay xigtay in askariga uu toogto wiilka.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo hubka ay wataan loogu tala galay in ay ku ilaaliyaan shacabka ayaa waxa ay u muuqdaan kuwo Qoryaha ay wataan ku dhibaateeya shacabka.