Kooxda AC Milan ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday in daafaceeda dhexe Alessio Romagnoli uu dhaawac qabo sidoo kalena kulankii Sassuolo jugtaan soo gaartay.
Romagnoli wuxuu garoomada ka maqnaan doonaa mudo labo todobaad ah asigoo kulankii Sassuolo dhaawac ku baxay waxaana lagu badalay Mateo Musacchio kaliya kulankaan oo shan daqiiqo socday.
Qoraal rasmi ah oo xarunta caafimaadka AC Milan kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Romagnoli dhaawaciisa cajarka bidix sababi doono ugu yaraan labo todobaad garoomada kaga maqnaado.
Dhaawaca Romagnoli waxay dhib ku tahay macalin Genaro Gattuso oo hadda daafac yari soo wajihi doonto madaama kulanka axada Napoli ay la cayaareyso Milan ganaax kaga manqaan doono Leonardo Bonucci.