Wasiirada arrimaha gudaha ee Midowga Yurub ayaa kulan deg deg ah ku leh Brussels si ay uga hadlaan dhibaatada qaxootiga. Iyadoo aysan jirin go’aan mid ah oo looga jawaabo ayaa Austria iyo waddamada Balkan-ka waxay soo rogeen inay adkeeyaan xuduudoodda si ay u yareeyaan dadka imanaya.
Talaabadan ayaa kumanaan qaxooti ku xayirtay Gariiga, tiradoodana waxaa la filayaa inay kororto toddobaadyada soo socda.
Haddii aan qorshe lagu heshiin si dhaqso ah, waxaa qatar ku jira Schengen, oo ah hab si xor ah la isaga gudbo Visa la’aan waddamada Midowga Yurub


