Midowga Yurub oo ka digay fidista Abaaraha

Muqdisho-RisaalaFM- Midowga Yurub ayaa waxa uu sheegay in uu taageero weyn siinayo Dowladda Federaalka cusub ee Soomaaliya, oo dhowaan HoggaankeEda uu ku guuleystay Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda Midowga Yurub Federica Mogherini oo war qoraal ah soo saartay ayaa waxa ay mar kale ku celisay in ay weli ku howlan yihiin sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Hormarinta Soomaaliya, maadaama Doorashooyinkii iyo kala guurkii ay si nabad ah ku soo dhamaadeen.

Federica Mogherini ayaa si gaar ah u sheegtay in ay wax ka qabanayaan Amniga, Dib u dhiska Ciidamada Dowladda, Musuq maasuqa iyo sidoo kale dhameystirka dib u eegista Dastuurka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay sheegtay Midowga Yurub in ay ku dadaalayaan sidii Mushaaraadkooda ay si joogto ah ugu heli lahaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Booliska, iyadoo sidoo kale tilmaamtay in ay ku dadaalayaan wax ka qabashada Abaaraha Soomaaliya ka jira, si aanay ugu faafin degaano cusub oo aysan Abaarta gaarsiisaneyn.

Mrs. Federica ayaa sidoo kale sheegtay Midowga Yurub in ay ka go’an yahay taageerada uu siinayo Soomaaliya, si dalka Soomaaliya uu u noqdo mid isaga isku tashta oo yeesha Dowladd xoog leh.

Ugu dambeyntii Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda Midowga Yurub Federica Mogherini ayaa sheegtay iyada iyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya in ay ku heshiiyeen in ay si dhow u shaqeeyaan, si loo gaaro guulo horay u socosho leh.