Midowga Musharixiinta oo dalab hor-dhigay Madaxweyne Farmaajo

Golaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha oo si kulul u cambaareeyay falkii shalay oo ay taariikhdu aheyd 25/12/2020-ka qaar ka mid ciidanka Nabadsugidda iyo Booliska ay ku xabbadeeyeen dhallinyaro kooban oo banaanbax ka dhigayey meel kamid ah Magaalada Muqdisho.

Qoraal Wadajir ah oo ay soo saareen Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay ku sheegeen in askariga Dhalinyarada banaan baxeysay rasaaseeyay uu fulinayay Amarkii Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay ugu hanjabayeen Midowga Musharixiinta kuna dhiira gehlinayeen gacan ka hadalka kuwa ka aragtida duwan Dowladda.

Sidoo kale Midowga Musharixiinta waxaa ay ugu baaqeen Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumadda inay cudur-daar  ka bixiyaan falkii Gabadhaha lagu rasaaseeyay, sidoo kalena Sharciga horkeenaan Kuwii falkaasi ka dambeeyay, isla markaana cadeeyaan mowqifkooda ku Aadan xorriyada hadalka iyo isku soo baxyada Dadweynaha.

Ugu dambeyn Golaha Midowga Musharixiinta waxaa ay ugu baaqeen Ururada Bulshada Rayidka, Guddiyada xaquuqul Insaanka ee labada Golle ee Baarlamaanka, Odayaasha Dhaqanka iyo Beesha Caalamka inay falkaasi ka qaatan go’aan cad oo lagu cambaareeynayo.