Diyaarad ay leedahay shirkadda Itooniyan Airlines ayaa maanta ku bur burtay duleedka magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya , xilligi ay kusii jeeday Magalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya,waxaana la sheegay inay ku dhinteen dad ay Soomaali ku jiraan.
Diyaaradaas ayaa waxaa saarnaa 157 Ruux oo 8 ka mid ah ay ahaayeen Shaqaalaha diyaarada,waxaana dadka ku dhintay la xaqiijiyey in uu ku jiray mid ka mid ah Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Shakuur Shahaad.
Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in Marxuumka uu ka yimid mid ka mid ah dalalka Yurub uu howlo Shaqo u jiray, isla markaana uu kusoo wajahnaa Magaalalada Muqdisho, hayeeshee shilkaasi diyaaradeed uu ku geeriyooday.
Geerida mid ka mid ah Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho u xaqiijiyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.



