Mid ka mid ah As-aasayaashii AS oo lagu dilay caasimada Jubbaland ee Bu’aale.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada Gaashaandhiga  Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgal lagu dilay mid ka mid ah As-aasayaashii Al-shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo garab ka helaya saaxiibbada caalamka, ayaa duqeyn qorshaysan oo ka dhacday habeennimadii 26-ka Oktoobar 2025 magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe, ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdi Xaamud, kuna magac dheeraa Jacfar Gurey.

Dhagarqabe Jacfar Gurey wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii kooxda Khawaarijta, isagoo saaxiib dhow la ahaa horjoogayaashii isaga danbeeyay hogaalka Al-Shabaab, Axmed Cabdi Godane iyo Axmed Diiriye, oo uu muddo dheer la soo shaqeeyay. Wuxuu hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin waxa ay ugu yeeraan Madaxa Amniga Dibadda, Madaxa Amniga Madaxda Al-Shabaab, iyo Madaxa Dabagalka – dhammaan xilalkaas oo la xiriiray hawlaha sirdoonka, qorsheynta weerarrada, iyo dilalka arxan darrada ah ee kooxda Khawaarijta.

Dhagarqabahan ayaa door muuqda ku lahaa maalgelintii iyo dhismahii hore ee kooxda, isagoo qayb ka ahaa lacag laga soo dhacay shirkad Itoobiyaan ah oo ay ku wada jireen horjoogihii hore ee kooxda, Axmed Cabdi Godane, taas oo lagu maalgeliyay aasaaskii ururka Al-Shabaab.

Howlgalkaan guuleystay ee lagu khaarijiyay Dhagarqabe Jacfar Gurey wuxuu ka tarjumayaa wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamka ee ku aaddan la dagaallanka Khawaarijta Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida, iyo nabadda shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya waxay mar kale u xaqiijinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada ay sii socon doonaan ilaa dalka laga xoreeyo haraadiga kooxaha argagixisada, si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad, xasillooni, iyo horumar waara.